Wasiir dibadeedka Somaliland oo ka hadley dagaalka Kismaayo kuna baaqey in la joojiyo colaada Kismaayo

0
201

Wasiiirka arimaha dibeda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay degmada Kismaayo ee u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan deegaankaasi, waxaana uu Wasiirka sheegay ka Somaliland ahaan inay ka xunyihiin dagaalkaasi.

Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka isagoona tibaxay xiligani inaan loo baahnayn dagaal, isla markaana looga baahanyahay dhinacyada isku haya Siyaasada Jubbooyinka inay wax walba ku dhameeyaan wada hadal.

[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/06/Wasiirka-arimaha-Dibada-Somaliland.mp3]
Somaliland ayuu sheegay inay ku gaartay Horumarka in wax walba oo la isku qabto wada hadal lagu dhamaysto isagoona xusay in looga baahanyahay dhinacyada dagaalku ku dhexmaray Kismaayo arintooda inaysan dagaal ku dhamaysan ee Miiska wada hadalka ay soo fariistaan.

Idale News Online Mogadishu, Somalia