Wasaaradda Haweenka KGS Oo Ku Baaqdey In Haweenka Laga Qiib Galiyo Siyaadda iyo Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

0
359

Baydhabo(INO)-Wasaarada Haweenka iyo Xaquuqul insaanka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ugu baaqdey Madaxda iyo Odayaasha KG Soomaaliya in Saami Macquul ah oo Xildhibaanimo ay siyaaan Gabadhaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

binti

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaakna Marw Binti Ibraahim Cali ayaa sheegey in Maalmahan Kulumo ay ku yeeshey Gudaha Magaalada Baydhabo Haweenka KGS, Wasiirka Haweenka Ee Dowlada Soomaaliya Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar iyo Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya isla markaana waxay xustey in ay ka arinsanayeen Xaquuqda Haweenka KGS ay ka leeyihiin Baarlamanka KG Soomaaliya.

“ Wadatashiyo iyo kulumo ayey Gabdhaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Ay ku yeeshey Degmada Baydhabo, waxaan dooneyna in la soo dhiciyo Xaquuqdooda ay ku leeyihiin Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Gabadha Caanada Keenta, Kan Xaabada iibista iyo dhamaan kuwo waxbartey  waxay ku mideysanahay wada jirka iyo Midnimada Haweenka Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayay tiri Wasiir Binti.

Sidoo kale Wasiir  Binti Ibraahim Cali ayaa sheegey maalman Soo socodo in uu furmi doono shir looga hadlaayo ka hortaga Dhibaatadda Loo geysta Haweenka iyo Caruurta Ee Koonfur Galbeed Soomaliya kaasoo ay sheegtey in la soo gebo gabeyn doono 12th Dec 2015 isla markaana waxa lagu gurfeyn doona ka hortaga askareynta iyo Guud ahaan sidii looga hortagi lahaa Xad Gudubyada Kufsiga ah ee lagu kaco Haweenka.

Dhan kale wasiir Ku Xigeenka waxay Hoosta ka xariiqdey inay hayso Kiisas kufsi ah iyo Xadgubyo lagu sameeyey Haweenka Koonfur Galbeed Soomaliya , isla markaana waxay sheegtey in ay soo bandhig doono Maalmaha Socoda.

“ Waxa Wasaaradda ay Haysa kiisas kufsi ah iyo Cidii geysatey, qofkii wax kufsado waa in la dilaa, waxaan dhawaan soo bandhi doona Xadgubyo iyo kufsi la gula kacey Haweenka Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayey Mar kale tiri.

Ugu dambeyntii, Haweenka  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxy Xunsul duub ugu jiraan Sidii ay ugu soo muuqan lahaayeen Guud ahaan Siyaasada iyo Baarlamada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Idale News Online, Xafiiska Warqabadka Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here