Baydhabo(INO) – Iyadoo Mudooyinkan dambe dib dhisyo lagu sameeynaayey wadooyinka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, isla Markaana dhawaan Gudoomiyaha Gobolka Bay C/rashiid C/laahi uu sheegey in ujeeda dib u dhiska Wadooyinka Baydhabo ay tahay soo celinta Bilicda Magaalada kuna baaqey in si wada jir ah looga wada qiib qaato arintaasi.
Gudoomiye Ku Xigeenka Dhanka Dib u dhiska Maamulka Gobolka Bay Mr. Dooyow, ayaa Maanta ka hadlley dib u dhiska wadooyinka ka socoda Magaalada Baydhabo, isagoona Xusey in 9 Xaafadood Ee Degmada Baydhabo ay ka kooban tahay ay ka wadaan dib dayactir xoogan.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegey in ay taagyeero ka helayaan shacabka Magaalada iyo Hay’ada DDG ay sameeyeen wadooyin cusub isla markaana waxa kale uu baaq u direy Hay’adaha kale iyo Ganacsatadda Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
“ Waxaan dib u dhis ka wadanaa wadooyinka Magaalada Baydhabo,dhoor wado ayaan dib dayactir ka sameyney Ee Degmada Baydhabo, waxaan dooneyna in aan soo Muujino bilicda iyo Quruxda Magaalada, waxaan kale ugu baaqeya Hay’adaha iyo Ganacsatada Gobolka Bay inay nagala ka qiib qataan Dib u dhiska wadooyinka Magaalada Baydhabo” ayuu yiri Gudoomiye Dooyow.
Sidoo kale, waxa uu amaaney Hay’ada DDG oo sameysay Dadaalo ku aadan u dib u dhiska Wadooyinka Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Ugu dambeyntii, waxaa dib u dhis lagu sameeyey Wadooyinka Xaafadda Towfiiq, Berdaale iyo weliba dhawaan Maamulka Gobolka Bay iyo kan Degmada Baydhabo waxay ay dhagax dhigeen wado cusub oo ay taalo Xaafadda Horseeed, isla markaana waxa qiib weyn ka qaadanaya Shacabka Xaafadaha Magaalada oo si iskooda ah isu xilqaameen.
Idale News Online,Xafiiska Baydhabo