Wararka laga helayo xarunta Guddoonka Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamadii ilaalada u ahaa guddoomiye u xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad laga qaaday.
Taliska ciidamada xoogga dalka ayaa dib ula noqday ciidamadan iyadoo qaar cusub oo ku soo kordhayna la xiray, kadib markii ay qeyb ka noqdeen falkii ka dhacay xarunta Baarlamaanka Arbacadii.
Ciidamadan oo tiradoodu lagu sheegay inay yaarayaan urur ayaa ka mid ahaa ciidamadii taliyeyaasha ku eedeeyeen inay qabsadeen xarunta Baarlamaanka, waxaana socda baaritaan ku saabsan ciidamadaasi.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa hadda waxaa ilaalinaya ciidamada AMISOM oo ilaalo cusub soo kordhisay