Madax ka tirsan Shabaab Kenya oo Kumanaan Kun oo Dollar dul dhigtay

0
203

Dowlada Kenya ayaa lacago duldhigtay 8 nin oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab isla markaana ay qorsheynayeen in weeraro ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

Shaqsiyaadkaan Ciidamada Kenya ay dul dhigeen lacagaha ayaa waxa ay kala yihiin Isaaq Caliyow Maxamed, Raxiim Maxamed Sheekh, Bashiir Xareed Xuseen, Bashiye Aadan Cusmaan Kulu, C/rashiid Ibraahim Aadan Cusmaan, Siyaad Ibraahim C/laahi, Cabdi Maxamed Ibraahim iyo Maxamed Maxamuud Maxamed.

Dowlada Kenya ayaa ragaan dul dhigtay shaqsigiisa lacag dhan 2 Milyan oo lacagta Kenya ah, guud ahaan sideedooda lacagta la dul dhigay ayaa noqoneysa 16 milyan oo Shilinka Kenya ah oo u dhiganta 20,000 oo dollar Mareykaka ah.

Ciidamada Booliska ee dalka Kenya ayaa shacabka dalkaas ka dalbaday in Ciidamada ay u gudbiyaan wixii xog ah oo ay ka helaan raggan oo sawiradooda lagu baahiyay, baraha bulshada, waxaa kaloo shacabka loo soo jeediyay in ay gacan ka geystaan sidii raggan shrciga loo geyn lahaa, sidaas waxaa warbaahin u sheegay Charles Owino oo ah afhayeenka ciidamada Booliiska ee Kenya.