Wariye Ka Tirsan Telefishinka Al-Jazeera Oo Lagu Xiray Dalka Jarmalka

0
242

Barline(INO)— Dowladda Jarmalka ayaa xirtay Wariye ka tirsan Telefishinka Al-Jazeera qeybtiisa Carabiga, kadib codsi ka yimid dowladda Masar.

ahmed

Ahmed Mansour oo ka tirsan Telefishinka Al-Jazeera qeybta afka Carabiga ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Berlin, xilli uu u soo duulayay dalka Qatar.

Booliska Jarmalka ayaa sheegay in maamulka Masar ay u soo direen ruqsad caalami ah oo lagu xirayo Mr Mansour.

Maxkamad ku taal magaalada Qaahira ayaa sanadkii hore 15 sano xabsi ah ku xukuntay Wariyahan, isagoo maqan, waxaana lagu soo eedeeyay inuu dambiyo ka galay dalka.

Al-Jazeera ayaa sheegtay in eedeyamaha Mr Mansour loo soo jeediyay ay yihiin kuwo been abuur ah.

Wariye Ahmed Mansour oo ku caan ah doodaha kulul ee lagu falanqeeyo xaaladaha Bariga Dhexe ayaa heysta dhalashooyinka British iyo Masar oo uu asal ahaan ka soo jeedo.

“Wali waxaa ku xiranahay garoonka diyaaradaha ee Berlin, waxaana sugayaa in la ii geeyo xarunta dambi baarista”ayuu bartiisa Twitter ku soo qoray xalay.

Mr Mansour oo 52 jir ah ayaa la sheegayaa in xabsiga lagu heyn doono ilaa maalinimada Isniinta, oo lagu wado in Maxkamad la horgeeyo.

Dowladdaha Qatar iyo Masar ayaa sanadihii u dambeeyay ahaa, kuwo uu xiriirkooda xumaa, tan iyo markii Milateriga dalkaas ay xukunka ka tuureen madaxweynihii sida dimoqraadiyada loo soo doortay Maxamed Mursi, kaasoo Maxkamad ku xukuntay dil.

Telefishinka saldhigiisu yahay Qatar ee Al-Jazeera iyo dowladda Masar ayaa ahaa kuwo xiriirkooda aad u xumaa, iyadoo dowladda Masar horay wariyeyaal ka shaqeeya Telefishinkaas ay xabsiga dhigtay, kuwaasoo qaarkood sanado ku xukuntay, kadib markii ay ku eedeysay inay ku lug lahaayeen falal argagixiso iyo qal qal gelin ammaanka Qaranka.

Idale News Online, Barline

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here