Warbixin:Ka Ganacsiga Hilibka Sagaarada Oo Sare U Kacey Iyo Cunista Hilbkaasi Oo Ku Soo Badanayo Magaalada Baydhabo

0
1246

Baydhabo(INO)Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, ayaa waxa  si xawli ah ugu soo badanayo Suuqaq lagu iibiyo hilibka sagaarada, isla markaana qaar ka mid ah Dan yarta Magaaladaasi ay bilaabeen ka ganacsiga Hilibka Sagaarada oo laga keeno Deegano hoostaga Degmada Baydhabo Janaay.

sagaaro idale

Sagaarada ayaa waagi Hore waxa  kiinj jirey  Qolo Ku Caan ah isla markaana Xirfad u ah dilista iyo qalida Sagaarada oo Loo Yaqaano Eeylo oo ka mid Qabaa’ilda Soomaaliyeed isla markaana Ka Tirsan Beesha Raxanweyn, Balse hada rag  kale ay bilaabeen  U Gaarsiga Sagaarada.

Gedisleyda ka ganacsata Hilibka sagaarada ee Magaalada Baydhabo,  Kuwaasoo  Durbaba la wareega  Sagaaarada, Markii ay keenaan Eeylada ayaa  waxay sheeegeen in ay helaan Faa’ido badan ayna ka sii iibinayaan Dad kale kuwasoo  Macaamiil  u ah oo Loo geeyo , isla markaana kuwa keenana  iyaguna ay  fududahay in laga wareego badeecada ay keeneen.

Markii  aad Tagdo Subaxdii hore iyo Galabtii  xaafada Horseed ayaa waxaad arkeysa tiro dad ah kuwaaso ku mashquulsan iibsiga Hilibka Sagaarada, kuwasoo  Sida Idale News Online Ay u Sheegeen uu yahay Hilib ka wanaagsan kana Macaan kan Ariga iyo Geellaha , sidoo kalena uu yahay mid iska Jaban

Faadumo Caliyow, Waxay ka mid  tahay Gabdhaha degmada Baydhabo ee ka Ganacsada Hilibka Sagaarada isla makaana Suuq ku leh  Xaafada Horseed, agagaarka Masjidka Al- Towba “ anigu waxaan haysta 8 caruur ah, waxaan ka soo saarta Hilibka Sagaarada Biil,  waxaan leeyahay 6 qof oo Eylo ah kuwaasoo ii keena maalintii ilaa 80 Sagaaro, anigu waan kala wareega, waxaan sartaan Qiimo kale oo faa’ido ii ah” waxa sidaas tiri Faadumo Caliyow.

Ka Ganacsiga Hilibka Sagaarada ee magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, ayaa Sare u kacey sanadahii 2005 ilaa iyo maanta ayadoona  dadka qaar guryahooda aad loo cuno, taasoo ay ku macneeyeen  hilib ka macaan kan ariga iyo geella, sidoo kalena  uu jaban yahay.

Marka kale faadumo Caliyow ayaa sheegtey faa’ida ay ka hesho Hiliba Sagarada” waxaa jiro suuqaq kale oo lagu iibiyo hilibka sagaarada, dadka qaarna waxayba lee yihiin macaamiil ama guryaha ayaa loogu geeya Hilibka Sagaarada oo Nool ama Qalan hadba Dalabkooda, Anigu  waxaan siyaan 80.ooo Sh. So.  Oo u dhiganto $4, mararka qaarna way ka badanan kartaa, wayna is dhimi kartaa hadba Suuqa ley Waaye, Bararka Qaar waynu igeynaa” ayey tiri Faadumo Caliyow.

Dhan kale, Dad qaar ayaa Naceyb ama ay ka faanaan cunista hilibka Sagaarada iyagoona u sababeeyey ama shaki galiyey, Xalalnimada Xilliga la soo qabanayo, kuwaasoo sida  La Sheegey ay  ku dilaan Budh iyadoona la Ogeyn Qaabka ay  u gowracaan.

Xafso  Sheekh Nuurow  Waxay ka mid tahay Dumarka Naceeyb cunista Hilibka Sagaarada waxayna tiri” waxaan  waa Nacbahay runtii Eeyladu  ma tukato, iyagaa soo dila badanaa , Eeg tani  waa meeshii budhka lagaga dhuftey inay bakhtidey  ka hore inta aysan  gowracin  war uma haayo, waan cuni lahaa hadii horteyda lagu bireeyo” ayey tiri Xafsa Sheekh Nuurow.

Si kastaba ha ahaatee  Gobolada koonfur galbeed soomaaliya ayaa leh keeymo badan oo ku nool duur jog tiro  badan oo kala gedisa Sinjiyadooda,kuwaasoo la laayo, ama la xaalufiyo, qaar ka mid ah xaywaanaadaasi waxay u haajireen wadanka Kenya  halkaasoo,  Xaywaanaadka ilaa iyo hantan ka sii yaraanayo degaanada koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ka mid ah Libaaxa, Maroodiga iyo Guriyada.

Ugu Dambeyntii, Wasaaradda Cusub ee Daaqa iyo Duur joogta ee dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan weli sameynin Qiimeyn Ku Aadan Xadiga xaalufinta Xaywaanaadka ee Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, lama Oga in ay diideyso U gaarsiga Sagaarada iyo Guur joogta Kale Ee ku nool Gobolada KGS , isla markaana weli kama Aysan soo saarin sharci Xadideynayo ilaalinta bay’ada ee KGS, iyadoona Dowladaha qaar agtoodu ay ka tahay Dilista Duur joogta Dambe Qaran.

Idalee News Online Xafiiska Baydhabo.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here