Warbixin: Kooxda Cunaqabateynta Hubka Soomaaliya “UN Monitoring Group” oo mar kale dalbatey in dib loo soo celiya cunaqabateynta hubka ee Somalia

0
179

War bixin ay soo saartay kooxda la socodka cunaqabateynta hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Eretria ayaa waxa ay soo saartay war-bixin ay uga hadleyso waxyaaba ay sheegtay in ay Soomaaliya ka dheceen kadib markii cuna qabateynta hubka qeyb ahaanta laga qaaday bishii March ee sanadkii hore.

Hey’ada ayaa waxa ay sheegtay in hubkii dalka uu gacanta u galay laba qabiil oo kala ah Abgaal iyo Habar-gidir, ayna ku shubteen bakhaarro gaar ah oo ay si gaar ah u maamulaan ayna u qeybiyaan maleeshiyaad u gaar ah oo aan dowlada ka amar qaadan.

War-bixintaan oo ay daabacday wakaalada wararka Reuters ayaa waxa lagu sheegay in kooxda la socodka cunaqabateyna Qaramad Midoobay ay ka saartay wadamada Soomaaliya iyo Ereteria in ay ku talisay in marka uu dhamaado sanadka baroobada ahaa ee qeyb ahaanta cuna qabateyna Soomaaliya looga qaaday in dib sideedii loogu soo celiyo.

War-bixinta ayaa waxa ay si gaar ah u xustay in wasiir kazoo jeeda Habar-gidir uu hub kala yimid dalalka carabta uuna kazoo dejiyay garoonka Muqdisho loona weeciyay gooba gaar ah oo isaga maamulideeda uu leeyahay si uu ugu fuliyo danaha qabiilkiisa, waxaana inkasta oo aysan sheegin wasiirka magaciisa loo badinayaa in uu yahay Cabdi Kariim Guuleed oo ahaa wasiirka arimaha gudaha, maadaama Habar-gidir wasiir kale aysna ku laheyn dowlada Xassan Sheekh.

Waxaa kale oo ay sheegtay kooxdu in bakhaarra hub ku keydsaynayahy oo ay doonayeen in ay kor-meeraan laga hor joogsaday.

Hubka qaar ayeey sheegtay in uu gacanta u galay kooxda Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya si ay ugu huriso dagaalka dhiigga badan ku daadanaayo.

Bishii March ee sanadkii hore ayaa golaha amaanka ee Qaramada Midoobay waxa ay cod aqlabiyad leh ku taageereen in muda sanad ah dowlada Soomaaliya si qeyb ahaan ah looga qaado cunaqabateynta dhanka hubka ah ee lasaaray bilaagii sagaashamaadkii.