Kooxda Monitering Group, ayaa maanta waxay soo saarty warbixin ku aadan musuq masuq ay shegeen inay wado xukuumadda Soomaaliya ee uu Ra’isul wasaaraha uu ka yahay CabdI Faarax Shirdoon Saacid.
Waxay shegeen in wali Musuq maasuq uu ka jiro qaabka loo maamulo lacaga loogu talo galay Caawinta Soomaaliya, waxaana warbixita lagu Sheegay in xukuumadda Soomaliya wali anay qorshe u dajin qaaabka loo mamulato dhaqalaha soo gala dowladda Soomaaliya.
Tusaale ahaan waxay u soo qaateen qaabka uu u howlgalo Bangiga dhexe ee soomaaliya oo ay sheegeen in laga lunsaday lacago badan horana ay warbixintaas u soo bandhigeen, balse aaney dowaddu daba gal ku sameyn, in kastoo mas’uuliyiinta bangiga ay beeniyeen.
Sidoo kale waxay sheegeen in musuq maasuq uu ka jiro dhaqaalaha kasoo xadooda Dekedda Muqdisho,igaoo carabka ku adkeeyay in dhaqaalaha kasoo xaroodo dekeda an qaab wanaagsan loo maamulin musuq masuqna uu ku dheehan yahay qaabka ay wax u socdaan.
Waxay digniin ka bixiyeen in QM ay dhaqaalo ugu deeqdo Soomaaliya , waxaana ay sheecisay in hadiiba ay taasi dhceyso ay haboon tahay in la eego qaabka wax ay u maamulayaan hoganka shacabka oo ay ula jeeday dowladda Soomaaliya, waxaana warbixinta lagu sheegay inwaajib ay tahay inlagu koontaroolo qaabka ay u maamuleyso dhaqaalaha ay caalamka ka hesho.
Idale News Online