Ciriiriga ka jira waddooyinka Muqdisho
Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran Bogga Idale News Online waxaan u soo gudbineynaa warbixin ka hadleysaa ciriirka ka jirra waddooyinka magaalada Muqdisho.
Waddooyinka waawayn ee magaalada Muqdisho waxaa ka jira ciriiri badan iyadoo socodka gaadiidku uu ku soo badanayay magaalada tan iyo markii Xarakada al-Shabaab laga saaray caasimada bishii Agoost ee sanadkii 2011-ka.
Saxmada wadooyinka ka jirta ayaa waxaa loo sababaynayaa dib u dhis ka socda laamiyada magaalada iyo baraha koontarool ee ciidamada ay ku leeyihiin gudaha caasimada, kuwaasi oo waqti badan qaata xiliga ay baarayaan gaadiidka.
Haddaba Cali Xirsi Barre waa taliyaha ciidamada taraafikada ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in gawaarida ku soo badatay magaalada in ay sabab u noqdeen in bataan shilalka gaadidka.
Nabada aan cagaha adag ku taagnayn ee ka jirta Muqdisho ayaa keentay in tirada ku dhimata Shilalka baabuurtu ka badantahay inta xabada ku dhimmata, siddaas waxaa kaloo lagu sheegay warbixin ay diyaarisay Al-Jazeera iyadoo meelo badan soo martay magaalada.
Turkiga ayaa magaalada wuxuu dhisayaa waddooyinka oo qaar waxaaba la saaray laami cusub iyadoo dhex laga kala baray si baabuurta aaney isku leen marin kuwa soo socda iyo kuwa sii socda.
Dad badan ayaa dhib ku qaba ciriiriga ka jirra magaaalada, oo waxaa dhacda in dad xanuun ama dhaawacan oo raba in dhakhtarka loola cararo in waqti badan uu ku jiro jidka, taasna waxa ay keentay in uu halis galo ama uu geeriyoodo.
Akhriste qoraalkan fikirkaaga ka dhiibo.?
Idale news Online