Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxa ka dhacay magaalada muqdishu

0
235

Ciidamada gaarka u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan ayaa gudaha u galay dhismaha Maqaayadda Pizza House, iyadoo wali la maqlayo rasaas goos goos ah oo ka dhaceysa gudaha maqaayada.

Howl galka oo illaa iyo hada qaatay saacado, tan iyo markii uu qaraxa dhacay caawa fiidkii ayaa la sheegayaa in ciidamada ay la dagaalamayaan dabley hubeysan oo gudaha maqaayada ku jirta.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Axmed Carab ayaa sheegay in howl galku socdo, isla markaana ciidamada gaarka ay gudaha ku jiraan, ayna nadiifiyeen qeybo ka mid ah dhismayaasha.

Waxaa uu sheegay in inta howl galka socday ay ciidamada soo bad baadiyeen dad kala duwan oo markii hore ku go’doomay dhismaha, markii uu qaraxa dhacay.

Inta la xaqiijiyay sagaal qof ayaa ku dhimatay qaraxa, waxaa laga yaabaa in khasaaraha intaas ka bato, waxaa la sheegayaa in dadka dhintay uu ku jiro Nin Suuriyaan ah oo ka shaqeynayay Maqaayadda Pizza House.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ay ku jiraan dhismaha hoose, halkaasoo ay rasaas ka soo ridayaan, sidoo kale ciidamada gaarka ayaa iyana la sheegay in qeybaha dhismaha ay ku jiraan, iyagoo isku dayaya inay hal meel isugu geeyaan dableyda hubeysan.

Labada Maqaayad ee la weeraray Pizza House iyo Posh Treat ayaa ah kuwo iska soo horjeeday, waxaa si isku mid u saameeyay qaraxa, inkastoo dableyda la sheegay inay galeen maqaayadda Pizza House oo ay ku qaldeen Posh Treats, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana ay tilmaamtay in dagaalyahano hubeysan ay gudaha ku jiraan, ayna howl gal ka wadaan Maqaayada Posh Treats oo ah goob lagu caweeyo oo ay ka shaqeeyaan shaqaale ajaaniib.

Idalenews Mogadishu