Wararkii Ugu Dambeeyey Kulan 3 Geesood Ah Oo ka Dhacay Degmada Afgooye Ee G/Sh/Hoose

0
230

Afgooye(INO)-Waxa in Muda ah soo taagnaa Muranka Maamulka loo sameyno Degmada MarkaCadey Ee Xaruna Gobolka Shabellaha Hoose,  iyadoona kulankii shalay uu noqon lahaa natiijada kama dambeysta ah ee Mustaqbalka Maamulka.

shariif

Kulnka oo ahaa mid 3  geesood ah oo ka dhacay Degmada Afgooye ayaa waxa wada yeelanayey ,Wasiirka Wasaarada Beeraha Iyo Waraabka Ee Dowladda KGS  Mudane Maxamed Xasan Fiqi,Suldaanka Beesha BiimaalSuldaan Ibraahin Cali Xaaji iyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxana kulanka Sida La Sheegey dibad joog ka ahaa Wasiirada kale ee deegaanka u matasha Dowlada Koonfur Galbeed iyo Odayaal kale.

Kulanka ayaa ku furmay sida aan xogta ku helnay in Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan looga xoga waramo Wadatshigii ugu dambeeya ee ay soo yeesheen marjaca Beesha Biimaal iyo sida ugu fudud ee loogu dhawaaqayo Maaulka Cusub Ee Degmada MarkaCadey.

Madaxweyne Shriif Xasan Sheekh Aadan ayaa Wasiirka iyo Odayaasha weydiistay siday ugu talagaleen xubnaha Maamulka Cusub iyagoona u sheegay siday isugu soo afgarteen dadka deegaanka oo aan ka noqosha ahayn.

Wuxuu hordhigay in 5 xunbood la siiyo Beelaha Hawiye, Gudoomiye ku xigeenka Dhanka  amniga ee Degmadna lagu qoro Beesha Habar Gidir.

Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Ee KGS Maxamed Xasan ayaa ku yiri Shariifka “Wixii shalay qoriga laga qaatay in Maanta dib naloogu celiyo taas waa mid aan diidnay”.

Wadahalo dheer ka dib waxa soo xirmay kulankii  3 geesoodka ahaa ee u dhaxeeyey Madaxweyne Shariif Xasan, Fiqi iyo Ibraahin Cali xaaji, waxaa mar kale dhex dhexaadin laga bilaabay sidii dib loogu laaban lahaa kulan kale si ugu yaraan loo helo isu soo dhawaansho xaga fikir ah.

Ugu dambeyntii Wasiir Fiq iyo Suldaan ibraahin oo dib u milacsaday go’aanka Beesha Biimaal iyo fikarka laga qabo Habar gidir  ayaa dhankooda mar kale diiday in meesha lagu soo daro Habar gidir iyadoona meesha ka saaray in Shan xubnood ay ka helaan Hawiye ay tahay mid  ay ka xigaan Dagaal.

Idale News Online, Afgoye

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here