Wararkii ugu dambeeyay Wafdi ka socda Hay’daha kala ah UN iyo AMISOM oo gaaray Magaalada Beladweyn

0
190
images

Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan waxaa shalay gaaray wafdi ka socda Hay’adaha UN-ka iyo AMISOM,kuwaasi oo ukuurgalaye xaaladaha Magaalada Beladweyne iyo ciidanka AMISOM ee halkaasi ku sugan.

Taliyaha Qeybta Booliiska Magaalada Beladweyne Isaaq Cali Cabdule oo wareysi siiyay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ujeedka wafdigaasi ay u yimaadeen Magaalada Beladweyne ay tahay kormeerka dhanka ammaanka Gobalka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in wafdiga ay indha-indheeyeen xarumo ciidan oo ku yaalo Magaalada Beladweyne,kuwaasi oo ciidanka Dowladda lagu tababaro,iyaga oo intaasi kadibna usii gudbay xarumaha ciidanka AMISOM ee Beladweyne.

Wafdiga ayaa maamulka Gobalka usheegay in qorshaha socodkooda uu ku saleysan yahay kormeerka ciidanka AMISOM si loo gudbiyo qorshe ku aadan in ciidanka AMISOM laga dhigo kuwa UN-ka ah.

Majirto faah-faahin intaasi dhaafsiisan oo ku aadan socdaalka xubnaha ka tirsan QM iyo AMISOM ay ku gaareen Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Idale News Muqdisho