Dhageyso Fanax oo taageeray go’aanka Odayaasha Digil & Mirifle, Governatore magacaabaaya Governatore kale Ma dhigaayo Dastuurka Dalka

0
212

Xildhibaan Fanax ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle ay ka go’an tahay inay tagaan magaalada Baydhabo isbuucaan gudahiisa si ay uga arrinsadaan dhismaha Maamul goboleed uu yeesho lixda gobol ee Koonfur Galbeed Somalia oo ay u badan yihiin taageerayaasha Beelaha Digil iyo Mirifle.

Xildhibaan Fanax oo  ka hadlaayey inay iyaguna marka ay tagaan Baydhabo kalsoonida dowlada kala noqon doona ayaa sheegay in dowlada Somalia aysan cid gooni ah u laheyn oo aysan uga baxaynin haddii uu noqon lahaa Madaxeyne, Ra’iisul Wasaare iyo cid kaleba hase ahaatee ay markaan ay gacan buuxda ku siinaayaan oday dhaqameedka, ururada bulshada iyo waxgaradka kale ee ku sugan magaalada Baydhabo sidii ay ula dhisi lahaayeen  maamul goboleed ka kooban 6 gobol kaasoo laga martiqaadaayo beelaha kale ee dega deegaanadaasi.

somalie-southDhageyso Xidhibaan Fanax oo ka hadlaayo arrimo badan oo ku saabsan ujeedkooda magaalada xarunta gobolka Bay ee Baydhabo oo dhowaan la qorsheynaayo inuu ka furmo shir lagu dhisaayo maamul goboleedka Koonfur galbeed Somalia laguna ansixin doonto Dastuurka uu yeelanaayo Maamulkaas oo dhowaan la soo dhameystiray.

[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/09/XildhibaanFanax.mp3]

 

Idale News Online Muqdisho