Wararka Dibadda: QM oo ku baaqday In La soo afjaro lacagaha madax-furashada ee la siiyo kooxaha burcada & argagixisada

0
198

New York:Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansaxiyay qaraar  ugu baaqaya wadamada dunida qaarkood inay joojiyaan lacagaha madaxfurashada ah ee ay siiyaan kooxaha loogu yeero argagaxisada sida ay hadalka u dhigtay.

Qararkani oo ay u soo bandhigtay Qaramada Midoobay, dowladda Britain ayaa muujinaya in lagu cadaadiyo dowladdahaasi sidii ay u joojin lahaayeen arintaasi.

Safiirka dowladda Britain u jooga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kooxaha xariirka laleh Al-Qaacida ay madaxfurasho ahaan uga qaateen lahaysteyaal shisheeye, lacago gaaraya 105 million oo doolar una dhiganta 77 million oo euro.

Kooxaha la sheegay inay ka qaataan madaxfurasho dadka lahaysteyaasha ah ayaa ku sugan wadamada Syria, Yemen, Nigeria iyo kuwo kale.

x-united-nations-flag-wallpaper

Idale News Online, New York