Wararka Dibadda: Madaxweyne Obama oo markale u digay Dalka Ruushka

0
188

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in beesha caalamka ay ka mideysan tahay go’doominta Ruushka, taas oo ay ugu wacan tahay duulaankii Moscow ay ku qabsatey gobolka Crimea ee Ukraine.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Yurub ay ka maaranto tamarta ay ka soo iibsato Ruushka, lana helo ilo kale oo ay kaga maaranto.

Obama ayaa maanta hadal ka jeediyey shirka Brussels, kadib markii uu kulan la qaatey hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub, kalan hadley baahidooda dhanka tamarka iyo xasaradda Ukraine.

Madaxweyne Obama ayaa sheegaya in beegsiga dambe ee cunaqabateynta dhaqaale ay noqon doonaan ilaha tamarta Ruushka.

Wadahadalada Obama uu la yeelanayo madaxda Yurub ayaa la filayaa in si aad ah loogu xoojiyo ka soo horjeedka waddamada reer galbeedka ee qabsashada Ruushka ee gobolka Crimea.

Obama

 Idale News Online, Washington,DC