war xasaasi ah:16 Sano jir ah oo loo magacaabay Guddoomiye ku xigeen Degmo & Jawaab la yaab leh oo uu ka bixiyey

0
328

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa wiil 16 sano jir ah u magacaabay Guddoomiye kuxigeenka degaanka Gamboole oo la sheegay inay noqon doonto degmo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Feysal C/llaahi Cumar oo wareysi siiyay mid ka mida idaacadaha Muqdisho ayaa ka cudurdaartay xilkaasi , wuxuuna sheegay inuu dhigto Iskuulka Sheekh Xasan Barsane ee magaalada Jowhar, kuna jiro fasalka afraad.

Wuxuu intaas ku daray inuu la yaabay xilka loo magacaabay, markii uu arkay warqad uu saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo isaga loogu magacaabay xilka Guddoomiye kuxigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee degmada Gamboole