war xasaasi ah: Wasiir ka tirsan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo Todobaadkan iscasilaya

0
193

Warar hoose oo aan ka helnay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Somalia, ayaa sheegaya in is casilaad uu ku dhawaaqi doono Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Somalia Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Wararku waxa ay tibaxayaan in gudaha asbuucan uu is casili doono Wasiirka Gaashandhiga, si uu uga qeybqaato doorashada Kursiga uu baneeyay Jawaari.

Wasiir Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan, oo ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa xilka isaga casili doona si uu xooga u saaro doorashada kursiga uu baneeyay Guddoomiyihii baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusman Jawaari.

Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Somalia Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa asbuucii tagay ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan jagada uu baneeyay Jawaari.