Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Dhuxulow oo maanta ka warbixinayey horumarka dowladda ee todobaadkii la soo dhaafay ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, Maamul Wanaaga, Xasilinta Muqdisho, Howlgalada Ciidamada, Sanadguuradii UNSOM, Shirka London ee 10ka June, Qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ee is dhaxgalka bulshada, Safiirka ay Mareykanka u soo magacaabayaan Soomaaliya, iyo Halyeyga Qarniga 21aad ee Soomaaliya.
Wasiirka oo ugu horreyntii ka hadlay horumarka dhanka maamul wanaaga ayaa yiri “Tababar soconayey 3 toddobaad ayaa loo soo gabogabeeyey maamulada degmooyinka laga saaraya Al-Shabaab iyo kuwa dhiman ee dhowaan la filayo in laga xoreeyo si dadka deegaannadaas u helaan xoriyad, nabad iyo maamul dowladeed. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray tabarkan ayaa sheegay in ujeedada ay tahay sidii maamul wanaag looga hirgelin lahaa degmooyinka dalka oo laga rabo maamulada iyo hay’adaha dowliga ee ka jira degmo walba ay ka wada shaqeeyaan sidii loogu adeegi lahaa bulshada Soomaaliyeed oo loo gaarsiin lahaa adeegyada bulshada, loogalana tashan lahaa mustaqbalka dalka si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin xor ah sanadka 2016.”
Wasiirka oo ka hadlayey howlgalada Ciidamada ee Muqdisho ayaa yiri “Ciidamada Dowladda oo ay caawinayeen kuwa AMISOM ayaa subixii isniinta bilaabay inay baaraan guryaha caasimadda Muqdisho. Howlgalladan ayaa lagu baadi doonayey kooxaha argagaxisada ee ku dhuumaaleysanaya guryaha shacabka ee deeganka Warshada Caanaha iyo Jidka Warshadaha ee Degmada Hodan. Ujeedada howlgalada ayaa ahaa in Al-Shabaab loo diido fursada ah inay shacabka dhexdiisa ku dhuumaaleystaan. Waxaana la soo xiray 12 qof oo looga shakisanyahay inay ka mid ahaayeen argagaxisada oo ay gacanta booliska ku jiraan oo la wareysanayo.”
Wasiirka oo ka hadlayey howlgalada lagula jiro Al-Shabaab ayaa yiri “Ciidamada Dowladda ayaa ugu yaraan 50 ka tirsan Al-Shabaab ku dilay dagaallo isla markaana ku soo qabtay 12 kooxdaas ka tirsan dagaalo ka dhacay tuulada La_helow ee xaafadda Caato ee gobolka Bakol. Ciidamada Dowladda ayaa sidoo kale degmada El-bur ee gobolka Galgadud, ku soo qab-qabtay 16 Al-Shabaab ka tirsan.”
Wasiirka oo ka hadlayey Sanadguuradii 1aad ee UNSOM ayaa yiri “Wasaaradda Warfaafintu aad bey ugu faraxsantahay inay xafladan martigeliso. Madaxa UNSOM waxuu runtii fududeeya howlaha QM oo maanta uu suurto galiyey hal albaab oo laga soo galo QM oo uu weliba ku sii darsaday inuu beesha caalamka u mideeyo arrimaha Soomaaliya.”
Wasiirka oo ka hadlayey Shirka London ee 10ka June ayaa yiri “Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa shirka London ka qeybgaleysa si ay u geyso horumarka Xaquuqda dumarka Soomaaliyeed iyo horumarka laga sameeyey la dagaalanka tacadiyada dumarka loo geysto. In ka badan 100 dal ayaa ka soo qeybgalaya oo Soomaaliya lagu siinayo fursad weyn. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee UK ayaa shir gaar ah ee arrimha Soomaaliya shir-guddoomin doona si Dowladda Federaalka ay u hordhigto qorsheyaasheeda la dagaalanka tacadiyada dumarka loo geysto. Tani waa fursad ay caalamku ku dhageysanayaan horumarka Soomaaliya ay ka sameysay qorshaha dumarka, oo lagala tashtay bulshada rayidka ah oo Dowladduna ay ku heleyso kaalmo caalami ah.”
Wasiirka oo ka hadlayey Qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ee Is-dhexgalka bulshada ayaa yiri “Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa 4tii June ka qeybgalay barnaamijkii ugu horreeyey ee Xukuumadda iyo isdhexgalka bulshada oo 125 ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada oo ka socday 4 degmo ay isagu yimaadeen, Ra’iisul Wasaarahana uga jawaabayey su’aalahooda, dhageystayna tallooyinkooda, sheegayna in isdhexgalka bulshada iyo Xukuumadda uu muhiim yahay siina socon doono oo shacabka iyo hay’adaha amniga laga rabo inay isla shaqeeyaan.”
Wasiirka oo ka hadlayey Mareykanka oo safiir u soo dirsanaya Soomaaliya ayaa yiri “Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiraduba waxey soo dhoweeyeen go’aankan uu Madaxweynaha Mareykanku ku soo magacaabayo Safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya tan iyo sanadkii 1991.” Wendy Sherman, Ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Barack Obama uu soo magacaabayo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya in ka badan 20 sano, oo ay sheegtay in Mareykanka uu sii xoojinayo dadaalada amniga, maamul wanaaga iyo horumarka Soomaaliya. Waxeyna sheegtay in Mareykanka uu kordhinayo taageeradiisa oo ay ku sheegtay sababta inay tahay xiriirka labada dal oo sii xoogeysanaya iyo rajada aan ka qabno in Soomaaliya ay leedahay mustaqbal wanaagsan.will nominate an ambassador to Somalia for the first time in more than 20 years, and she outlin”
Wasiirka oo ka hadlayey booqashada Taliyada Ciidamada Badda ee Turkiga ayaa yiri “Waxaan hoosta ka xariiqayaa in booqashada Taliyaha Ciidamada Badda ee Turkiga uu ku yimida Muqdisho 5tii June ay aheyd mid taariikhi ah. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa markabka dagaalka ee Turkiga oo Muqdisho soo gaaray loogu sameeyey qado sharaf. Markabkan oo sidoo kale siday daawooyin gar-gaar ah oo loogu talo galay isbitaalada dalka ku wareejiyey Madaxweynaha. Waxaan dhihi lahaa caalamku waa inay wax ka bartaan Turkiga oo hantay kalsoonida shacabka oo taageeradoodu ay tahay mid toos ah oo muuqata. Viva Turkey!”
Home Idale Somali News Update War saxaafadeed: Wasiirka War Faafinta DF soomaaliya Md Mustaf Dhuxulow oo Ka...