Warsaxaafadeed: Ref: SSC/15-0012
Taariikh: 25/1/2016 Goobta: Baidoa, Somalia
Magaca Ilaahey oo Awoodiisaku Abuurey Koonka, kuna Manneystey Raxmadiisa
Ujeedo:Warsaxaafadeed ku saabsan Cambaareyn Dowlada Maamulka Soomali land
Anagoo ah Golaha Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa waxaa canbaareyn usoo jeedinaynaa Maamulka Soomaali land , kaasoo Muddo 7 cisho u qabtey Shacabka Deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfurta Galbeed , Maamulka Somaliland waxaan u sheegaynaa in ay ka noqdaan Go’aanka uu Qaatey Gudoomiyaha Gobalka Sanaag waayo Soomaaliya Makala laha Dhulka , waa dad walaalo oo dhamaan ge’yaga soomaali kuwada nool .
Madaxda soomali land waxaan u sheegaynaa inay is daba qabtaan oo aysan sameysanin cadaawad ku lid ah ., Arintani waa markii labaad oo ay ku dhawaaqaan , Tan kale Muddo ay qabteen waa muddo gaaban oo 7 cisho ah , suuragalna ma aha waayo ganacsi waaweyn bay ku leeyahiin waxayna degan yihiin 30 sano in kabada badan , Mudadaasina waa muddo yar aysan suurtagal ahayn in lacagaha kamaqan ay ku soo aruursadaan , madaxda soomaliland waa inay si beniaadinimo ah ula dhaqmaan dadka shacab ah ee kunool deeganada Soomaliland , ha ahaadaan daka Ganacsatada ah iyo dadka barakcyaasha ku nool deegaanada Gobalada Waqooyi
Mahadsanidiin
Gudoomiye ku xigeenka Golaha Badbaada koonfur Galbeed
Idriss Cabdi Dhaqtar
Idale News Online, Baydhabo



