Xudur(INO)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa kulamo kala gedisan tan iyo xalay la yeelanayay Odayaasha Xudur & Xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Faderaalka oo horey ugu sugnaa degmadaas, iyagoo ka wada hadlaya sida ay ka yeeli karaan Maamulka Bakool sare.
Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan oo laga sugayay magaalada Muqdisho ayaa shalay gaaray Xudur, waxaana la sheegay in uu ka hor Shirka Muqdisho, doonayo in uu tago magaalada Ceelbarde, inkasta oo ay si weyn uga soo horjeedaan talaabadan masuuliyiinta Maamulka Bakool Sarre ee horay looga dhisay deegaankaas.
Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya,joogana degmada Xudur ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Shariif Xassan sida ugu macquulsan ee wax looga qaban karo arrimahan ka taagan gobalka Bakool.
Xildhibaanka ayaa sheegay in muhiimada safarkan Shariifka ay tahay sidii loo xalin lahaa arrintan, isagoo sheegay in horey Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya loogu diidey in ay u gudbaan deegaanada laga dhisey maamulkan ka madax banaan Koonfur Galbeed, taas oo caqabad ku ah safarka hada ee Shariif Xassan Sheekh Aadan uu doonayo in uu ku tago Ceelbarde.
Halkan Ka Dhageyso Codka
Idale News Online, Xudur