War Naxdin & Argagax reebay ruux gacantiisa isku dhaafiyay noloshiisa..

0
205

Garowe(INO)- Waxaa jira dhacdooyin la yaab leh oo la xiriira Abaaraha haatan ka jira dalka Soomaaliya,kuwaasi oo saameyn balaaran ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Abaarta ayaa baabi’isay xoolihii dadka reer miyiga ay dhaqanayeen,taasi oo sababtay dadka qaar fal naxdin leh ay ku dhaqaaqaan.

Mid kamida Odayaasha Dhaqanka Maamulka Puntland oo lagu Magacaabo Gorod ayaa idaacadda BBC-da u sheegay in Abaartu ay sababtay in Dadka Qaarkood ay is dilaan.

Gorod waxaa uu sheegay in Xabad uu Madaxa iskaga dhubtay Nin Oday ah oo kamid ah Dadka reer Guuraaga ah ee ku nool Waqooyiga Gobolka Mudug kadib markii Xoolihii uu dhaqan jiray ay Abaartu dhaafisay.

Todobaad ka hor ayey aheyd markii Nin 60 sano jir ah uu isku Daldalay Gobolka Galgaduud markii Abaartu ay Xoolihii uu dhaqan jiray ay dhameysay.