Daawo:Xildhibaanada cusub oo lagula balamay musharaxa ay codka siinayaan+cadeyn

0
208

Muqdisho(INO)- Nabadoon Cabdi Osmaan Cosoble ayaa sheegay in xaalada Soomaaliya hada ay mareyso meel Xasaasi ah oo u baahan in la daba qabto.

Wuxuu sheegay Nabadoonka in shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin isbadel isugu jira mid siyaasadeed iyo mid hogaamineed intaba.

Nabadoon Cabdi Gacmeey oo hadalkiisa sii wata ayaa nasiibdaro ku tilmaamay in codka uusan ahayn cod iyo qofkiisa,balse ay jiraan dad kooban oo wakiil ka ah shacabka,isagoo ugu baaqay iney adkeeyaan axdiga ay qaadeen.

Wuxuu Xildhibaanada kula balamay iney go’aan ka gaaraan ninka u roon Umadda Soomaaliya,taasi oo uu ku tilmaamay mid dadka oo dhan u roon

Nabadoon Cabdo Osmaan Cosoble ayaa hadalkaan ka sheegay xaflad uu musharax Cali Max’ed Geedi kaga dhawaaqayay inuu u taagan xilka madaxtinimo ee dalka.