Muqdisho (INO) – Iyadoo khilaaf ba’an uu hareeyey shirkii looga arrinsanaayo nidaamka loo maraayo higsiga 2016 iyo dhismaha dowladii bedeli lahayd mid hadda jirta ee madaxweyne Xasan Sheikh uu hogaamiyo, ayaa waxaa saaka mar kale shir isugu yimid dhinacyada Soomaalida oo sidoo kale ay wehliyaan wakiilada beesha caalamka oo iyagu culeys ku saaraaya in heshiis la gaaro, kuwaasoo dhowaanahaan magaalada Caasimada Somalia ee Muqdisho u joogey in ay gaareen heshiis.
Warar hoose oo shabakada wararka ee Idalenews Online ay heshay laguna kalsoonaan karo ayaa sheegaaya in wafuuda ka qeyb-galeysa soo saari doonaa war murtiyeed iyo heshiis kooban oo ku saabsan shirka. War muriyeedkaas ayaa waxaa lagu sheegay in madaxda shirku ay wadatashi ugu laaban doonaa maamuladii iyo deegaanadii ay ka yimaadeen, Ka dibna dib la isugu soo laaban doono mar kale 5ta bisha Janaayo 2016.
Arrintaani ayaa u muuqata mid lagu daboolaayo fashilka ku yimid wada hadalada lagu doonaayo in dhinacyadu ku gaaraan heshiis ah in helo hanaan siyaasadeed oo dhinacyadu u dhan yihiin oo lagu dhisaayo dowlad marka la gaaro August 2016;
Idale News Online