Wararka naga Soo gaaraya xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fewderaalka Soomaaliya C/Weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa waxay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha uu diyaarad u diray Maxamed Xaaji Cabdinuur oo sheegtay in uu yahay madaxweynaha maamulka sadexda Gobol kaas uu kaga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee xarunta Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa diyarada u diray si ay usoo qaado Maxamed Xaaji Nuur Iyo wafdigiisa kuwaas oo la filaayo in saacadaha soo socda ay magaalada muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ay soo gaaraan halkaas oo ay ku sugan yihiin Madaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed iyo Wafdigii uu hogaaminayey oo ku tagey Muqdisho casuumaad rasmi ah ay ka heleen dowladda Federaalka Soomaaliya.
ugu danbeyn lama oga sababta uu Ra’iisul wasaaraha Diyaarada ugu diray wafdigan si ay usoo gaaraan magaalada Muqdisho madaama halakaas ay ku suganyihiin madaxda maamulka lixda gobol uu hogaaminayo mudane Madoobe Nuunow Maxamed.
Wixii faah faahin dheerad ah kasoo baxa waa idin soo gudbin doonnaa insha allah.
Idale News Online, Baydhaba.