Murashaxa Dawlado wadato C/casiis Lafta Gareen Oo Taariikh ku qabsatay maanta Magaalada Baydhabo November 20, 2018 Ciidamada Amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay maanta is hortaag ku sameeyeen Kulan lagu taageeri lahaa Murashax Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta gareen.
Ciidamada waxay diideen in kulankaan uu dhaco islamarkaana ay shaaca ka dhigeen in wax kulan taageero murashax uusan Baydhabo ka qabsoomi karin. Kulankaan ayaa taageero loogu muujin lahaa C/casiis Xasan Lafta Gareen oo ah murashaxa Dawlada ay wadato oo uga baxey dhaqaale xoogan loo qeybiyey barakacyaasha qofkiiba 10 doolaar lasiiyey tirada dadka dhaqaalaha lasiiyey ayaa gaaraysa 2000 Qof iyo 4 neef oo geel ah. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in qorshaha la isla ogaa oo ciidanka ay soo direen Madaxda Sare Ee Dawlada Soomaaliya si uusan unoqon mid la dareemo taageerada Dawlada ee Lafta gareen.laakiin dadka caqliga u saaxiibka ah wey dareemeen.
Hadaba waxaa diidey in uu qabsado xaflada Musharax Lafta Gareen Ciidama Itoobiyaanka ah ee jooga Magaalada Baydhabo iyo Gudiga Nabadgelyada ee Baaarlamaaanka KG iyagoo weliba ku canaantey Gen. Mahad inuu u kala hiiliyo Musharixiinta ka dib markey cabasho ka gudbiyeen ururada Bulshada Gobalka Baay iyo Musharixiinta isbedel doonka ah.
Howshaas inay Villa Soomaaliya ay howshaas ay wadatey. Dhowaan sidaan oo kale ayaa loo hor istaagay kulan iyo banaanbax loo sameyn lahaa taageero ahaan Murashax Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur.
Lacag badan ayay kubixineysaa Villa Soomaaliya . lafta gareen siduu ugu guuleysan lahaa. waxay taalaabadaan cadeyn buuxda u tahay sida uu Xasan Kheyre uu ula maagan yahay magaalada Baydhabo dhibaateynteeda dhinaca kale Baydhabo maalmahaan waxaa ka jira in mid walbo Murashaxiinta uu jeebka u gelinayo cida uu is leeyahay waad ka heleysaa taageero aad guushaada ku gaareysid.