War deg deg ah: Madaafiic lagu garaacay xaafado ka tirsan Muqdisho.

0
210

Waxaa xalay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho lagu garaacay Madaafiic aan la aqoon halka laga soo tuurayo.

Tiro madaafiic ah ayaa lagu garaacay xaafadaha ay dowlada ku badan tahay, iyadoo madaxtooyada lagu riday Tiro Hoobiyayaal ah.
Shacabka ku dhaqan degmooyinka Warta Nabada, Xamar Weyne, Xamar Jabjab, iyo Waabari ayaa xalay cabsi ku jiiftay, iyagoo degmooyinkaasi lagu tuuray dhowr madfac oo aan la aqoon halka ayka yimaadeen.

Xaalada saaka way dagan tahay, lamana oga in baaritaano ay bilaabayaan ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM, iyadoo horey looga bartay inay howlgalo sameeyaan marka madaafiic lagu garaaco xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

images

Idale News  Online, Muqdishu.