Muqdisho(INO)— Dowladda Soomaaliya ayaa Beesha Caalamka u gudbisay Guddiga doorashooyinka oo ka kooban 22-xubnood, iyadoo xubno ay ka yihiin Maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka.
Guddigan ayaa howshooda tahay sidii ay u socodsiin lahaayeen doorashooyinka la filayo inay bisha Agosto ka dhacaan dalka, inkastoo shaki badan laga muujinayo xubnaha guddiga ku jira oo u janjeera madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada.
Xubnaha Guddiga ayaa isugu jira min labo xubnood oo ka socda Maamul goboleedyada, shan wasiir, iyo xubno ka kala socda saddexda xafiis ee dowladda, sida Madaxtooyada, Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Duqii hore ee Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa walaac ka muujiyay Guddigan, isagoo sheegay in Madaxda dowladda ay dad iyaga u janjeera ugu jiraan, isla markaana danahooda fulinaya.
Shanta Wasiir ee ku jira Guddigan ayaa waxay kala yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan odawaa, Wasiirka Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamed Xuseen, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maxamed Jaamac Mursal, Wasiirka Haweenka Sahro Maxamed Cali samatar iyo Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Beesha Caalamka ayaa fududeeye ka ah doorashooyinka dalka ka dhici doono, inkastoo aanay wali wax war ah ka soo saarin guddigan loo gudbiyay.
Hadaba Guddiga doorashooyiska ayaa magacyadooda waxay kala yihiin sidan:-
1-Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowa, Wasiir DFS
2-Maxamed Jaamac Mursal, Wasiir DFS
3-Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Wasiir DFS
4-Sahra Maxamed Cali Samatar, Wasiir DFS
5-Maxamed Cabdi Xayir, Wasiir DFS
6-Saalax Axmed Jaamac , Aqoonyahan
7-Maxamed Kaynaan , Aqoonyahan
8-Nafiisa Geedi Santuur, Aqoonyahan
9-Cabdiraxmaan Xaashow , Aqoonyahan
10-Barlin Cadami , Aqoonyahan
11-Cabduweli Xirsi Cabdulle , Wasiir Puntland
12-Saadiq Abshir Garaad , Aqoonyahan PL
13-Aadam Ibraahim Aw-xirsi , Wasiir Jubaland
14-Cabdicasiis Shiikh Xuseen Dayib, Aqoonyahan JL
15-Cabdiraxmaan Aadan sate , Wasiir Koonfur Galbeed
16-Maxamed Cabdi Nuur, Aqoonyahan KG
17-Xuseen Qaasim Yuusuf , Wasiir Galmudug
18-Cabdulaahi Salaad Yarow, Aqoonyahan GM
19-Axmed Maxamed Siciid, Somaliland
20-Fardowsa Maxamed Ducaale , Somaliland
21-Aamina Cabdulaahi Dheerow, Gobolka Hiiraan
22-Raaxo Maxamed Janaqow, Gobolka Sh/dhexe.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.