Wafdi Finland ka socda oo Muqdisho yimid lana Kulmay Xubno ka Tirsan Dowladda

0
282

Muqdisho(INO) — Waxaa shalay oo ay bishu ahayd 13 Sep, 2015-ka soo gaaray Muqdisho wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Finland, Mr. Pekka Haavisto.

Mas’uulkan ayaa kulammo la qaatay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Dibadda Somalia iyo Dhiirri-gelinta Maal-gashiga, Axmed Cali Kediye, iyagoo kawada hadlay arrimo badan oo labada dal khuseeya.

Qodobbada ay labada dhinac kawada hadleen ayaa waxaa ka mid ah; Xoojinta Xiriirka labada Dal, is-weydaarsi safaradaha labada wadan iyo inay hay’adda Finish Charge Aid ay Xafiiskeeda ka furto Muqdisho.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta wafdigii ka socday dalka Finland ayaa waxay balan-qaadeen in dhammaan mashaariicdii ay Finland kawaday Somalia wixii ka horreeyay 1990-kii ay dib u soo celin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here