Wafdi Culus Oo Gaaray Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool

0
295

Xudur(INO)-Degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool waxaa maanta gaaray wafdi culus oo isugu jira madax horay uga tirsanaa xukuumadii KMG ahayd iyo odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Bakool.

Wafdiga gaaray degmada Xudur ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha degmada, iyadoo ujeedka wafdigaasi ay tahay sidii loo qaadi lahaa cuna qabateyn Al-Shabaab ay ku soo rogeen Xudur.

Kulan dhex maray maamulka gobolka Bakool iyo wafdiga maanta gaaray ayaa ka wadahadlay qaabka isbedel loogu sameyn lahaa degmada Xudur oo dadka degan ay ka cabanayaan go’doomin ay Al-Shabaab ku hayaan.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in degmada Xudur laga bilaabay dhaqdhaqaaqyo dagaalyahanada Al-Shabaab looga sifeynayo wadada dheer ee tagta degmadaasi, iyadoo la qabanqaabinayo ciidamo isugu jira kuwa Dowladda iyo AMISOM.

Idale News Online, Xudur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here