Dhageyso: Wasiirka Ganacsiga Ee KGS Oo Ka Hadley Xiisada Ka Taagan Degaanka Jazeera+ Beeniyeyna Arin Lagu Eedayey

0
206

Jazeera(INO)-Iyadoo Cirka isku sii Shareeraayo khilaafka U dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa Wasiirka Ganacsiga KG Soomaaliya, ka hadley, arimahaasi  sidoo kale waxa uu beeniyey eedeymo ugu yimid mid ka mid ah waxgaradka Deegaanka Jazeera ee Gobolka Shabellaha Hoose, Kaasoo sheegey in Ciidamo uu wato Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha KG Soomaaliya ay u geysteen jirdil iyo Handaad, waa sida uu Sheegey Ee.

Wasiirka ayaa La weydiyey rasmi ahaan waxa uu salka ku hayo muranka xuduuda ee ka dhaxeeysa Dowladda KG Soomaaliya iyo kan gobolka Banaadir ayaa sheegay in aysan jirin karin sabab loogu murmo xuduud  mucayan ah, haddana waxa uu cadeeyay in arrintaasi la dhameeyay.

Halkan Ka Dhageyso.

“Xuduuda Gobolka Shabellaha Hoose iyo Banaadir waa mid iska cad, waa un wax ay buunbuuninayaan Rag uu damac kale ku jiro, aniga halkaan waxaan u joogaa shaqadeyda, maadaama Xarunta Ganacsiga ay Marka tahay, waxaan ka fikireynaa sidii uu u  shaqeyn lahaa Ganacsiga Magaalada” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga&Warshadaha Cabdullahi Sheekh Xassan.

Dhan kale Wasiirka Ganacsiga iyo Warsahadaha Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamey eedo uga timid mid ka mid ah Odayaasha Deegaanka Jaziira  ee Gobolka Shabellaha Hoose, oo sheegay in xiisad uu Wasiirka ka wado Deegaanka ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiir Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in waligiisa uusan dhibaato geysan, haddana uusan diyaar u aheyn arrintaasi,  isaga oo sheegay in Dadka eedeynaya isaga ay yihiin kuwa ay adeegsanayaan Maamulka Degmada Wadajir iyo kan Gobolka Banaadir, kuwaasoo dano gaar ah leh.

Halkan Ka Dhageyso.

“nin Gudoomiyaha ka ah degmada Dharkanley ayaa edeegsanaya kuwaasoo warbaahinta Sidaas ka sheegeya” ayuu yiri c/laahi Sheekh Xasan

Ugu dambeyntii, Dhawaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Wasiirka Ganacsiga ku weeraray meel ku dhow Deegaanka Jaziira halkaasi oo laga dajiyay CalankaDowladda Koofur Galbeed Soomaa, arrintaasi ayaa waxa ay abuurtay khilaaf dhinaca xuduuda ah oo u dhaxeeya labada Maamul ee Banaadir iyo Koofur Galbeed Soomaaliya.

Idale News Online, Jazeera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here