Ruushka ayaa ku eedeeyay dowlada Ingiriiska inay aliftey sheeko been ah ayna ku ciyaareyso dab arrinta ka dhalatay sumeyntii nin hore u ahaa basaas iyo gabar uu dhalay.
Safiirka Qaramada Midoobay u fadhiya Qaramada Midoobay Vasily Nebenzya ayaa ka sheegay kulan uu yeeshay Golaha Ammaanka; “Waan u sheegnay saaxibadeen Britishka inay ku ciyaarayaan dab ayna ka qoomameyn doonaan.”
Dowlada Ingiriiska ayaa ku eedeysay Ruushka inuu mas’uulka ahaa sumeynta Skripal iyo gabadhiisa Yuli balse dowlada Ruushka ayaa beenisay eedeyntaas.
Basaaskii hore ee Ruushka Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia ayaa la helay iyagoo miyir doorsoon magaalada Salisbury afartii bishii March ee sanadkan.
Ms Skripal oo 33 sano jir ah ayaa caafimaadkeedu ka soo reynayaa waxayna shaacisay war ah in caafimaadkeedu maalinba maalinta ka dambeysa uu soo wanaagsanaanayo. Hase yeeshee aabaheed oo 66 sano jir ah ayaa aad xaaladiisu ay tahay mid liidata.
Mr Nebenzya called the accusations “horrific and unsubstantiated” and accused the UK of waging a “propaganda war” against Russia.
Safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Mr Neberzya ayaa si kulul ugu eedeeyay dowlada Ingiriiska inay bilowday dagaal dacaayad ah,isagoo si gaar ah ugu tilmaamay UK in ay ka soo yeeraan warar aan sal iyo raad lahayn.
Novichok ayaa sheegay in walxaha kimikada ee loo isticmaalay basaaska iyo gabadhiisa ay dalal badan oo caalamka ah soo saari karaan balse magaca dalka Ruushka loo isticmaalay.
Xiisada ka dhalatay sumeynta basaaskii hore ee dalka Ruushka iyo gabadhiisa ayaa sababtay in dibulumaasiyiin ku dhow labo boqol oo dalka Ruushka u joogay wadamo ku yaal Yurub iyo Maraykanka la soo eryo. Sidoo kale dowlada Ruushka ayaa eriday diblumaasiyiin la mid ah kuwa laga soo eryay wadamada Yurub iyo Maraykanka.