Wadaad Soomaaliyeed oo muteystay Abaal Marinta Quraanka Ee Caalamiga ah

0
196

u_105423d_2013-7-19-15-41-8f_sheekhnuur55

Sheikh Xuseen Nuur Qalinle oo asaasay Xaruunta Imaam Shaadibi ee barashada Quraanka ee Magaalada Boorama ayaa ku guulaystay abaal marinta caalamiga ah ee Barista Quraanka ee dunida islaamka ee sannadkan Abaal marinta Caalamiga ah ee Quraanka Kariimka ah oo sannadkiiba mar ay bixiso Boqortooyada Sucuudiga.

Abaalmarintaasi ayaa waxaa sannadkan ku guulaystay Sheikh Xuseen Nuur Qalinle oo ah Reer Boorama  oo Muddo badan ka shaqaynayay barista Tajwiidka Quraanka.

Sheikh Xuseen Nuur Qalinle oo asaasay Xaruunta Imaam Shaadibi ee barashada Quraanka ee Magaalada Boorama ayaa ku guulaystay abaalmarinta caalamiga ah ee Barista Quraanka ee dunida islaamka ee sannadkan,waxaana abaal marintaasi lagu guddoonsiiyay Magaalada Jeddah oo lagu qabtay munaasabad caalami ah oo loogu talagalay arrintaasi.

Amiir Khaalid Al Faysal oo matalayay boqorka Sucuudiga ayaa abaal marintaasi guddoonsiiyay Sheikh.

Sheikh Xuseen Nuur ayaa VOA-da uga warramay marxaladaha  ay soo martay barashada Tajwiidka Quraanka uu soo maray Somalia, isaga oo tilmaamay inuu arrintaasi gacan wayn ka gaystay Sheikh Cali Suufi oo macalinkiisii ahaa.

Idale News Muqdisho