Galkacyo(INO)— Wada hadalo la doonayo in si fool ka fool ah la isku hor-keeno Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Gaalkacyo, iyadoo la filayo in wada hadaladaas laga soo saaro war murtiyeed lagu soo afjarayo colaadii.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Maamul goboleedyada iyo xubnaha beesha caalamka ee ka qeyb qaadanaya dadaalada nabadeed ee ay ka dhex wadaan labada dhinac ayaa diyaarinaya sidii gogol ay isugu keeni lahaayeen Madaxda Puntland iyo Galmudug.
Wararka ayaa intaa ku daraya in xalay kulamo gaar gaar ah ay labada dhinac la kala yeesheen xubnaha dhex dhexaadinta wada ee ku sugan Gaalkacyo, waxaana dadaalka ugu badan ee la geliyay uu ahaa sidii ay isu soo hor fariisan lahaayeen C/wali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo horay u aqbalay qodobadii afarta ahaa ee uu soo jeediyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay saxiixay, kadib markii shalay Madaxweynaha Puntland uu isna saxiixay.
Wixii maanta ka dambeeya ayaa la filayaa in loo guda galo kala qaadista Ciidamada is hor-fadhiya, kadib markii ay inta badan soo afjarmeen kulamadii xal u helida ahaa ee Mas’uuliyiinta labada Maamul la lahaa.
Xaalada magaaalada Gaalkacyo ayaa ah mid degan, waxaana la dhowrayaa in si toos ah loo dhaqan geliyo afarta qodobo, waxaana jira cadaadis xubnaha Beesha Caalamka ka socda ee ku biiray wada hadalada ay ku saarayaan labada dhinac inay gaaraan heshiis dhab ah.
Idale News Online, Galkacyo