Dhageyso:Gudoomiyaha Arimaha Bulshadda Ee Degmada Baydhabo Oo Maanta Kormeerey Kaamka Alle Tuug Ee Yaallo Xaafadda ADC+ Daawo

0
257

Baydhabo(INO)-  Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Ee Degmada Baydhabo  Mukhtaar Sharma’arke Cabdi ( Gars) ayaa Waxa uu Maanta Kormeer Ku Tagey mid ka mid ah Kaamanka Ku yalla Gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, isagoona u kuurgaley Xaaladahabini’aadanimo ka jirto Gudaha Kaamkaasi.

Gudoomiyaha Waxa Kormeerkiisa Ku wehelinanyey, Gudoomiyaha Arimaha Safalka Gobolka Bay ahna ku simaha Godoomiyaha  Gobolka Cumar Maxamed Cali iyo Weliba Gudoomiyaha Dib u dhiska Gobolka Mr. Dooyow.

Kaamka Alle Tuug ee yaalla Xaafadda ADC ayaa waxa ku jira dad ka soo barakacdey Dagaalka Ka Socoda Dalka Yemen iyo dad ka yimid Degmada Doolow iyo Xeryaha Qorooxtiga Dhadhaab Ee Dalka Kenya, kuwaaso ay ka muuqatey Daruufo adag isla markaana waxay Maamulka Gobolka Bay, Ka Degmada Iyo Hay’adaha Samafalka ay dalbadeen in Gargaar deg  deg ah in in ay lala soo gaaraan.

Halkan Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Arimaha bulshadda Ee Degmada Baydhabo

“ Kaamka Alle Tuug Waxaa ku jira Dad Ka Soo barakacey Dalka Yemen iyo Degmada Doollow,  qaar waxay haystaan Kaarar ay siisey Hay’ada UNHCR, Hay’adaha Samafalka  waxaan ka codsaneynaan in ay gargaar Deg deg ah la soo gaaraan” yuu yiri Gudoomiye Garas.

Sidoo kale Gudoomiyaha Kaamka Alle Tuug Macalin Xuseen ayaa waxa uu sheegey in dhibaato bini’aadanimo ay ka jirto Kaamkan isla waxa uu sheegey in dadkan ay yihiin  dad aad u liito, isagoona Gargaar Ka dalbadey Hay’adaha Samafalka iyo dadka wax haysta ee Ku dhaqanka Gudaha Magaalda Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Halkan Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Kaamka Alle Tuur Macalin Xuseen

Sidoo Kale Gudoomiyaha arimaha Samafalka Ee Gobolka Bay Cumar Maxamed Cali ayaa isna sheegey in fariintooda ay ka gaarsiin doonaan Maamulka Gobolka Bay isagoona ka dalbaey Hay’adaha in ay Gargaar La Soo gaaraan.

Halkan Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Arimaha Samafalka Ee Gobolka Bay.

Halkan Ka Dhageyso Codka Hirey Macalin Oo Ka Mid ah Barakacyaasha Kaamka Alle Tuug.

Ugu dambeyntii, Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,  waxaa ka jira dhoor kaam kuwoo ay ku jiraan Dad aad u daruufsan isla amrkaana , ma haystaan wax ay isaga celinayaan Dhibcaha roobka iyo Gargaar Bini’aadanimo.

Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here