NY(INO)- Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa u ballan-qaaday madowgii ugu horreeyay xil wasiirnimo, isagoona ninkani oo lagu magacaabo Ben Carson, uuna ka tirsan yahay isla xisbiga Jamhuuriga loo ballan-qaadau wasiirka guryaha iyo isbeddelka magaalooyinka (housing and urban development minister).
Mr. Carson, wali ma uusan aqbalin jagadan balse waxaa lagu wargeliyay in uu kasoo fekero, sida uu wakaaladda wararka u sheegay afhayeenkiisa oo lagu magacaabo Armstrong Williams.
Carson iyo Trump ayaa kusoo wada jiray tartankii xisbiga Jamhuuriga ee jagada madaxweyne, waxaana markii dambe uu u tanaasulay ninka jagadan u ballanqaadaya ee Donald Trump.
Trump ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray in uu la jecel yahay jagadaasi Ben Carson sababtoo ah in uu yahay nin dad jecel oo aad u maskax wanaagsan.
Mr. Carson ayaa ah dhakhtar caan ka ah Mareykanka oo ku takhasuusay dhanka neerfaha, laakiin hadda waa uu ka fariistay shaqada sababo la xiriira in uu gaaray da`dii lagu noqonayay bayshanka.