Dhageyso:Ururka Ahlusunna Waljamaaca Oo Dhaliishay doorashadii Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug

0
233

Dhusamareb(INO) — Maamulka Ahlusuna ee goballada dhexe ayaa ka hor-yimid doorashadii guddoomiyaha iyo ku xigeennada Golaha Baarlamaanka Galmudug ee shalay ka dhacay Cadaado.

Sheekh_Cumar_Cabdulqaadir_Aadan_Idale News Online

Gudoomiyaha Talada Ahlusunna, Sh. Cumar Sh. C/qaadir Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in doorashadii shalay ay ahayd mid nasiib-darro ah, isla markaana aan loo dhameyn.

“Doorashadii shalay Caadado ka dhacday waxay ahayd mid nasiib-darro ah, waxaan u aragnaa inay tahay mid shacabka lagu lug-goynayo, adduunka oo dhan ayaan u sheegnay arrintaas. Shirka Cadaado wixii kasoo baxay annaga shaqo kuma lihin,” ayuu yiri Sheekh Cumar.

Sidoo kale, guddoomiyaha Ahlusunna ayaa ku eedeeyay dowladda Somalia inay afduubtay shirkaas, ayna la wareegeen xuquuqdii ay lahaayeen dadka deegaannada maamulka loo sameynayo.

“Waxaa shirka marin-habaabisay Dowladda Somalia ka talinaysa, iyada ayaa afduubatay, anaga lama shaqeyn doonno maamulkaas, Ahlusunnana xubinna kama ah, waana waxaan diidannahay in masiirkii ummadda dad gaar ah ay maamulaan,” ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiyaha Golaha-talada Ahlusunna Waljameeca.

Ugu dambeyn, Sheekh Cumar Sh. C/qaadir ayaa sheegay in arrinta kale ee ay sida aadka ah uga soo horjeedaan ay tahay in beel-beel loo Qayb-saday Maamulka Gal-mudug ee lagu dhisay cadaado. Isagoo xusay in iyaga ay ka madax-bannaan yihiin arrimahaas ayna taageerayaan in wax lagu qaybsado hab cadaalad ah.

Idale News Online, Dhusamareb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here