Waxaa maanta Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Ururka Midnimada iyo Nabadeynta ee Gobolada Jubbooyinka, si uu dagaal ula galo Maamulka Kmg ah ee Jubba, ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, Xildhibaano hore, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameedyo iyo wax-garad maanta kulan ku yeeshay Hotel Ramaada ee Degmada Hodan, ayaa waxay kaga dhawaaqeen Ururkaan.
Hogaamiyaha Ururkaan, ayaa waxaa loo doortay Col. Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale”, oo ka tirsan Siyaasiyiinta Jubbooyinka, ee sida weyn leh uga soo horjeeda Maamulka Jubba.
Col. Cabaas Maxamuud Cadow, ayaa waxaa loo magacaabay Ku Xigeenka 1-aad ee Barre Hiiraare, iyadoo Ex Xildhibaan Cumar Buraale Axmed loo doortay Ku Xigeenka 2-aad.
Xubnaha maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegeen in xilka loo hayn doono min 3 bilood ah, isla-markaana uu 3-da bilood ee hore, Hogaan u noqon doono Barre Hiiraale.
Waxay kaloo sheegeen inaanay gacmaha ka laaban doonin waxa ka soconaaya Magaalada Kismaayo, kadib markii ay sheegeen in Maamulka Jubba, uu xasuuq daran ku haayo dadka reer Kismaayo.
Dhinacyadaan, ayaa qaba in dagaal toos ah lala galo Maamulka Kmg ah ee Jubba, haddii uu kahor yimid heshiiskii ay Dowladda iyo Maamulkiisa ku kala saxiixdeen Magaalada Addis Ababa, 28-kii bishii August.
Idale News Online.