Muungaab oo sheegay in muddo seddex bilood gudahood amni ku soo celin doono degmooyinka gobolka Banaadir

0
173

General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Guddoomiyaha cusub ee Gobolka BanaadirGudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ayaa sheegay in mudo sadex Bilood ah uu kusoo celin doono amaanka Muqdisho.

Gudoomiye Muungaab, ayaa ka dhawaajiyay in ay jiraan Rag shabaabka ka tirsan oo ku dhuumaaleeysanaya Xaafado katirsan muqdisho, laakiin mudada sadexda Bilood ah looga sifeyn doono.

Qorshahan ayuu sheegay guddoomiyaha inuu bilaaban doonno markii la hoos keeno awoodaha ah in booliiska gobalka iyo nabad-suggida gobalka,iyadoona uu sheegay inay marka dajin doonan bilowga qorshaha lugu xaqiijinayo amniga Muqdisho.

Muungaab,waxaa uu tilmaamay in xilligaan ay jiri doonto in waxbadan laga badalo habka shaqo iyo howlgallada ciidamada nabad-suggida iyo kuwa booliska ay ka wadan Muqdisho,waxaana uu intaasi ku daray in howlgallada ciidamada amnigu ay sameyn doonan inay noqon doonan ku bartilmaameed leh.

…”””Muqdisho amnigeeda ma ahaa mid waqti yar qaadanaya in la sugo, waxaa wali ku dhex dhuubanaya rag ka tirsan Al-shabaab, balse waxaan idin cadeynaya in saddex bil kadib amni laga dareemayo Muqdisho, qorshahaasna waxaa uu bilaabanaya marka na loo soo gacan-galiyo laamaha amniga ee Muqdisho ka howlgalla,…”””ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab.

Magaalada Muqdisho oo xilligaan dowladda faderaalka Soomaaliya ay ku sameysay isbadal dhinaca maamulka ah,wali waxaa ka dhacaya falal amniga wax u dhimaya, inkasto waqtigan laga war-sugayo tallaabada ay qaadan maamulka cusub.

muungaab

Idale news Online, Muqdisho.