UPDATE: Doorashada Aqalka Hoose Oo Maanta Aan Ka Socon Baydhabo

0
179

Baydhabo(INO)– Magaalada Baydhabo ee xarunta Xarunta Gobolka BAY ayaa maanta kama jirin doorashada aqalka Hoose, isla markaana waxa soo gaarey Ergo ka Socot Beesha Dabarre.

Maalmahan magaalada Baydhabo waxaa ka socday doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka federaalka waxaana lagu soo doortay inta badan tiradii la qorsheeyay inay ka yimaadaan Koonfur Galbeed.

Illaa hadda waxaa lagu doortay Baydhabo 67 xildhibaan oo isugu jira rag iyo dumar waxaan adhiman oo kaliya labo xildhibaan doorashadooda maadaama wadarta guud ay tahay  69 xildhibaan.

Gudoomiyaha Ku Xigeenka Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya Siidi Cali Baafo ayaa  IdaleNews.com u sheegey in maanta lagu mashquulsan yahay sameynta kaararka ergada dooranaysa labada kursi.

Ugu dambeynntii, Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan si weyn looga dareemayaa doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana magaalada ku sugan ergo ka kala yimid degaannada kale ee Koonfur Galbeed sida gobolka Shabeellaha Hoose.

Idale News Online, Baydhabo