London (INO)—Dowladda Britain ayaa qorsheeneysa in Magaalada Muqdisho ay u soo dirto 40 Askari oo horleh kuwaasi oo ka qeyb qaadan doona howlgallada Nabad Ilaalineed ee ka socda Dalka Soomaaliya.
Wasiirka Dowlada Britain u qaabilsan arimaha Bariga Dhexe iyo Afrika , Tobias Ellwood ayaa waxuu shaaca ka qaaday in 40-taasi Askari ay taageeri doonaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Wasiirka ayaa waxuu tilmaamay in howlgalka AMISOM uu yahay mid lagula Dagaalamayo Xarakada Al Shabaab oo ku xoogan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay Shir ka dhacayay Magaalada London oo ay isugu yimaadeen ilaa iyo 80 Wasiir oo dhanka Difaaca ayaa waxuu tilmaamay in amaanka Muqdisho loo baahan yahay sugidiisa in ay ka wada shaqeeyaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Dowladda Britain ayaa horey Ciidamo u keentay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu tilmaamay in ay saacidi doonaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.