Idalenews:-Guddiga Qaranka ee Xuquuqul Insaanka ee Kenya ayaa shaaca ka qaaday in 24 ruux ay ku geeriyoodeen rabshadihii maalmo ka hor ka dhacay dalkaas.
Rabshadan ayaa ka dambeeyay, markii Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu qaadacay natiijadii horu dhaca aheyd ee doorashadii 8-dii bishan ka dhacday dalka Kenya.
Dibad baxayaasha oo u badnaa taageerayaasha Raila Odinga ayaa waxay isu soo bax ay ku diidan yihiin Madaxweynaha dib loo doortay Uhuru Kenyatta ay ka dhigeen magaalada Kisumu, xaafado ka tirsan Nairobi iyo Gaarisa.
Raila Odinga ayaa sheegay in la jabsaday nidaamkii computer-ka codeynta, taasna ay keentay in la xado cododka.
Ciidamada Booliska ayaa rasaas u adeegsaday dadka dibad baxayay, waxaana dadka dhintay la sheegay inay haleeshay rasaas si ula kac ah ciidamada ugu fureen.
Wakaalada wararka ee AP ayaa sheegeysa inay jiraan cadeymo muujinaya awood ay adeegsadeen Ciidamada Booliska oo dadkii dibad baxayay ay rasaas nool ku fureen.
Sanadkii 2007-dii ayay aheyd markii rabshado ka dhashay natiijadii lagu murmay ee doorashada Madaxweynaha ay ku dhinteen dad ka badan kun ruux, halka kumanaan kalena ku dhaawacmeen.