Sanca (INO) — Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen, ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 10 Ruux oo Muwaadiniin Soomaali ah inay ku dhinteen Labo Weerar oo dhanka Cirka ah oo lala eegtay Xeryo ay ku jireen dalka Yemen.
Weerarada lagu dilay Qaxootiga Soomaalida ayaa waxay ka dhaceen Xeryaha Qaxootiga kala ah Al Qarax & Basaatiin oo kamid ah Goobaha ay ku jiraan Soomaalida Qaxootiga ah.
Waa Masiibadii Labaad oo ku dhacda Soomaalida Yemen, tan iyo markii uu billowday Duulaanka Cirka ah ee Sacuudiga Hormuudka ka tahay ee lala eeganayo Xuutiyiinta dalkaasi.
Soomaalida Yemen ayaa qaarkood isaga soo baxay dalkaasi, kadib markii ay Doomo kasoo raaceen Wadankaasi, iyadoo ay jiraan kuwa kale oo hadda la doonayo in lasoo samatabixiyo.
Idale News Online – Sanca