Dhageyso:Digniin Loo Diray Maamuladda Caadaystay “Xariirka Ayaan U Jarnay Dowladda Dhexe”

0
209

Muqdisho (INO)– Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay Digniin Cusub oo uga jawaabayso Maamulada Caadaystay Eragyga ah Xariirka ayaan u jarnay Dowladda Dhexe.

Teaser Image Digniin loo diray Maamuladda caadaystay “Xariirka ayaan u jrnay Dowladda Dhexe”

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda FS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Mas’uuliyad Darro ay tahay Qof Mas’uul sheeganaya oo Halhays ka dhigta marwalba oo wax yar oo Khilaaf ah dhaco Xariirka ayaan u jarnay Dowladda.

Halkan Ka Dhageyso

Wasiirka ayaa uga digay Maamuladda inay yiraahdaan Xariirka ayaan u jarnay Dowladda, isagoo ugu baaqay in haddii ay wax tabanayaan ay yimaadaan Miiska Wadahadalka, islamarkaana ay ka hadlaan cawashadooda.

Maamul Goboleedyada ka jira dalkeena ayaa had iyo goor sheega in ay xiriirka u jareen ama ay ka fiirsanayaan xiriirka ay la lee yihiin Dowladda Fderaalka marka ay wax tabanayaan.

Maamulka Puntland ayaa soo billowday Erayga ah Xariirka ayaan u jarnay Dowladda Federaalka Axmed Madoobe ayaa raacay Wadadaadasi oo isna dhawaan sheegay inuu xariirka u jaray DFS.

Idale News Online – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here