DEG DEG: Tuuryare oo noqday Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida & Sirdoonka DF Soomaalia

0
194

Taliyaha Cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka, ayaa loo Magacaabay Col. C/raxmaan Maxamed Tuuryare, markii Maanta Kulanka oo aan caadi aheyn oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada islamarkaana uu Shir gudoominayay ku-simaha R/wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Owqaafta iyo Arimaha Diinta.

breakingIdaleNews

Shirkii Maanta ee Golaha Wasiiradda, ayaa sidoo kale looga hadlay Arrimaha Amniga dalka iyo baahida loo qabo in Mas’uul Ciusub loo magacaabo Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka oo ah Hay’adda ay hareeyeen Isbedello badan oo Madaxdeeda lagu sameeyay Mudadii ay jirtay DFS.

Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg ayaa soo jeediyay in Col. Tuuryare loo magacaabo Taliyaha Hey’adda Nabad Sugidda, iyadoo Golaha Wasiirraduna ay isku raaceen in Tuuryare loo magacaabo xilkaasi.

Col. Tuuryare ayaa xilal kala duwan uga soo qabtay Hay’adaha Nabad Susgidda iyo Sirdoonka Qaranka ee hadda loo Magacaabay, isagoo xiligan ahaa Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Col. Tuuryare ayay Wasiirradu Aaminsanyihiin in uu yahay qofka u qalma in Xilkaas loo magacaabo, sidoo kalena Awooda u leh in uu Booska uu ka Baxay Taliyihii hore ee Hey’adda Nabad Sugidda C/llahi Sanbaloolshe uu Buuxin karo.

Idale News Online, Muqdisho.