Turkia:Maxkamad ku taalo dalkas oo lix Wariyaal Xabsi daa’m…..

0
217

Maxkamada dalka Turkiga ayaa ku xukuntay xabsi daa’in lix weriye iyadoo saxafiyiintan lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay Turkiga sanadki 2016.
Wakaalada wararka Anadolu ayaa ka soo xigatay garsoore aan magaciisa la sheegin in saxafiyiintan lagu helay dambi ah “isku day afgambi”.

Turkiga ayaa ku eedeeyay saxafiyiintan inay xiriir la lahaayeen dhaqdhaqaaqa uu hogaamiyo wadaadka musaafuriska ugu nool wadanka Maraykanka Fethullah Gulen kaasoo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay afgambigii lagu guuldareystey ee ka dhacay dalka Turkiga sanadkii 2016kii, hase yeeshee wadaadka Gulen ayaa beeniyay inuu ka dambeeyay falka afgambiga ah.

Saxafiyiinta xukunka xabsi daa’inka ah lagu ridey ayaa waxaa kamid ah Ahmet Altan oo ahaa tifatiraha wargeyska Taraf iyo walaalkii Mehmet Altan oo ah saxafi caan ah iyo sidoo kale weriye caan ah oo magaciisa lagu sheegay Nazli Ilicak.

Hase yeeshee weriyaashan oo la xirey sanad kahor ayaa waxa ay racfaan u qaadan karaan maxkamada sare ee dalka Turkiga.

Xabsiyada dalka Turkiga ayaa waxaa ku jira saxafiyiin gaareysa 150 kuwaasoo loo haysto inay ku lug lahaayeen afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga sanadkii 2016kii.

Hase yeeshee xukunka lagu ridey saxafiyiintan ayaa waxaa cambaareeyay ururada saxaafada iyo weliba ururada u dooda xuquuqda aadanaha.