C/Raxmaan C/Shakuur oo ah mucaaradka ugu weyn DFS ayaa dhawaan sheegay inuu helayo qorshe ay Shabaab ku doonayaan iney kusoo weeraraan oo isaga lagu dilo.
DFS oo dooneysa iney ka hortagto weerarkaas ayaa ciidamo gaar ah usaartay ilaalada siyaasiyiinta magaalada MUQDISHO ku nool.
Dad ku dhow xafiiska xisbiga Daljir ayaa sheegaya in mar walba ay arkaan ciidamo katirsan kuwa DFS oo amaanka sugaya.
Sidoo kale Hoteelada qaar ee magaalada Muqdisho ayaa amaankoda si weyn loo adkeeyay.
Cabsida laga qabo in Shabaab ay weeraro ka geystaan Muqdisho ayaa sii xoogeysatay kadib marki hay’adaha amaanka ay heleen digniino ku aadan weeraro la qorsheeyay.