Trump oo ku dhawaaqey in uu ka baxayo heshiiskii ganacsiga ee TPP

0
217

NY(INO)- Madaxweynaha la doortey ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa markii u horeysey shacabka Maraykanka kala hadley muuqaal Video ah oo uu ka soo diray Trump Tower ee magaalada New York.

Saxaafadda Maraykanka ayaa 24 saac ee la soo dhaafey ka hadleysey in lala yaaban yahay 13 maalmood kadib doorashadii Madaxweynaha la doortey in uusan weli qaban hal shirsaxaafeed oo uu uga hadlaayo dhismaha maamulkiisa iyo xil la wareegida.

Hadalkii u horeeyey ee Video-ga uu soo direy ayuu uga hadley kooxdiisa ka shaqeyneysa xil-la-wareegida iyo dhismaha maamulka cusub oo uu ku sheegay in ay yihiin kuwo wanaagsan, shaqo adag haya, si fiicana ay u socoto shaqadu.

Trump ayaa sheegay in 100-ka maalmood ee u horeysa maamulkiisa uu ka baxayo heshiskii ganacsiga ee u dhexeeyay dalalka dhaca Badda Baasifikada, heshiiskaas oo loo yaqaan Trans-Pacific Partnership. Jawaabtii u horeysey ayaa ka timid raysalwasaaraha Jaban Shinzo Abe waxaana uu sheegay in heshiiska TPP haddii Maraykanku ka baxo uu noqonayo mid aan macno lahayn ‘meaningless’.

Trump ayaa heshiiska TPP ku sheegay mid burbur ku ah dalka Maraykanka waxaana ay kamid ahayD ballanqaadkii ol-olihiisa doorashada.

Heshiiska TPP ayaa u dhexeeya 12 dal oo dhaca Badda deggan ee loo yaqaan Baasifikada, waana hindise uu lahaa Madaxweynaha xilka ka degaya ee Maraykanka Barack Obama, inkasta o aan Aqalka Senate-ku ansixin, maadaama ay aqlabiyadiisa haysteen Xisbiga Jamhuuriga.

Muuqaalka uu soo direy Trump ayaa lagu sheegay mid uu diraayo dhamaan kuwii ka soo horjeedey xiligii doorashada kuwaas oo qaar kamid ah uu donaayo in uu xil u dhiibo waxaana kamid ah Mitt Romney oo la sheegayo in uu ku habboon yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyo Rick Barry oo uu u wado Wasiirka tamarta.