Faransiiska oo ka hortegey weerar argagixiso

0
175
French police officers and soldiers patrol in Strasbourg, France, November 27, 2015 as the security measures in public places is reinforced after recent deadly attacks in Paris. REUTERS/Vincent Kessler - RTX1W53N

Paris(INO)- Booliska Faransiiska ayaa gacanta ku dhigey 7 qof oo looga shakisan yahay in ay qaadi lahaayeen weerar argagixisnimo. Midkamid ah kuwa la qabtey ayaa ah qof Boolisku horey ula socdeen arrimihiisa.

Sirdoonka Faransiiska ayaa ku daba jirey hawkgalkan muddo 8 bilood ah, waxaana uu soo gaarey xili ay weerarka fulin lahaayeen, taas oo khasab ka dhigtey in laga hortago oo la qabto, sida ay qortey AFP.

Kooxdan ayaa lagu qabtey intooda badan magaalada uu ku yaalo Baarlamaanka Midowga Yurub ee Strasbourg, sidoo kale qaar kamid ah ayaa lagu qabtey magaalada Marseilles, sida laga soo xigtey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Faransiiska Bernard Cazeneuve, waxaana hawlgalku ahaa mid lagu joojinaayey qorshe weerar oo muddo dheer soo socdey, Wasiirka arrimaha guduhu ma sheegin goobaha la weerari lahaa.

Kooxda la qabtey ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda dalalka Marooko iyo Afqaanistan, waxaana da’doodu u dhaxaysaa 29-37 sano.

Dalka Faransiiska ayaa weli ku jura xaalad deg-deg ah tan iyo weerarkii sanadkii hore ka dhacay Paris ee lagu diley 129 qof. Sanadkan 2016 waxaa la qabtey oo la xirey 418 qof kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin argagxisada.