Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa booqasho ku kala bixin doona dalal ka tirsan Qaaradda Afrika, si uu u xoojiyo cilaaqaadka iyo iskaashiga Mareykanka la leeyahay Afrika.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in booqashadan ay bilaaban doono 6-13 March, iyadoo Rex Tillerson uu booqan doono dalalka Chad, Nigeria, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya inta u dhaxeysa.
Rex Tillerson ayaa la kulmi doona madaxda dalalka uu booqan doono, iyo sidoo kale Madaxda Midowga Afrika ee xaruntooda tahay Addis Ababa.
Waxaa uu kala hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin horumarinta nabadda iyo amniga, kor u qaadida dowlad wanaaga, ganacsiga iyo maalgashiga.
Sidoo kale Madaxda dalalka deriska la ah Soomaaliya oo Mareykanka iskaashi dhow la leeyahay ayuu kala hadli doonaa dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.
Labo sano ka hor ayay aheyd markii booqasho lama filaan ah uu ku yimid magaalada Muqdisho Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry, isagoo xilligaas booqanayay dalalka Geeska Afrika.